Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli
Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu deeqay agoonta Puntland lacag soddon kun oo
doollar ah (30,000) , lacagta ayaa la sheegay madaxweynaha inuu ugu tala-galay
ciid-siinta agoonta.
Madaxweyne Gaas, ayaa lacagta u
wakiishay wasiirka cadaaladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac oo markiiba si toos
ah lacagta ugu wareejiyay guddiga dallada agoomaha Puntland oo la aasaasay
sanadkii 2015.
Guddoomiye ku-xigeenka dallada
agoomaha Puntland,Sheekh Cabdow Cabdullaahi ayaa madaxweynaha Puntland ugu
mahadceliyay deeqda lacageed ee uu ugu tala-galay in lugu ciid-siiyo
agoonta,wuxuuna sheegay afar iyo taban xarumaad oo ku kala yaalla Puntland inay
ku xareysanyihiin 3,683 agoon, "Inta badan wiilasha ayaa xareysan
gabdhahanna waxaa lugu caawiya oo iskuullada laga bixiya iyagoo guryahooda
jooga maaddaama ay dumar-yihiin.. Ciid-siintooda waxaan ku dadaalna marka ugu
horreeysa qof kasta gaar ahaanna askarta oo marka ay dhintaan aan diiwaangelino
carruurtooda,xilliga ciidda la-gaaranna waxaan iskudeyna meel kasta oo ay
hooyada ku heyso agoonta inan ka farxinno." ayuu yiri Sh Cabdow
Cabdullaahi.
Gabagabadii, wasiirka cadaaladda
Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qeybqaatan
ciid-siinta agoonta oo u sheegay ilmo kasta in loogu talagalay soddon doollar,
wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha Puntland oo u sheegay sannad
walba inuu door weyn ka qaato ciid-siinta iyo taageerrada carruurta agoonta ah.
Iman Jama