Dowlad aqbashay muhaajiriin loo diiday in ay gallaan dalka Talyaaniga
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Spain ayaa
aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga
iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda,
sida lagu sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
Markabkan ayaa muhaajirintaan
oo ay ka mid ahaayeen 123 da’yar ah oo aan cidi wehlin, 11 caruur oo aad u
yaryar iyo toddobo hawyn oo uur ah, ka soo qaaday doomo baca la buufiyay ka
sameysan, kuwaasi oo ku sugnaa oo ka soo sharaacday xeebaha Libya.
Da’yarta ayaa u dhaxeysay 13
ilaa 17 jir, waxa ayna ka kala yimadeen Eritrea, Ghana, Nigeria iyo Sudan, sida
uu sheegay weriye, Anelise Borges oo saarnaa markabka.
Ra’isalwasaaraha Spain Pedro
Sanchez, kaas oo xilka la wareegay toddobaad ka hor ayaa markaba u ogolaaday in
uu ku xirto deked ku taalla bariga magalada Valencia.
Wasiirka cusub ee arrimaha
gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay
muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 629 oo qof uu ku soo xirto dalka
Taliyaaniga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]