Isniin, June, 11, 2018 (HOL) - Dowladda
Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xirto
Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga
ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.
Markab laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa xeebaha
Libiya ka soo badbaadiyay illaa 600 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo doon ay
saarnaayeen ay badda dhexdeeda ku jabtay.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Talyaaniga
Matteo Salvini ayaa diiday in Markabka soo badbaadiyay muhaajiriinta inuu ku
soo xirto dekedaha ay ka soo dagayeen muhaajiriinta sanadihii u dambeeyay.
Mr Salvini ayaa ka dalbaday maamulka Jaziiradda
Malta in markabkaas ku soo xirto Valletta oo ah Caasimadda Malta.
Hase ahaatee Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in
muhaajiriinta la soo badbaadiyay laga soo qaaday biyaha dalka Libiya, isla
markaana ay sharciyan hoos-imaanayaan dalka Talyaaniga.
Talyaaniga ayaa marin u aheyd Tahriibayaasha ka
imaanayay dalalka Afrika, kuwaasoo Talyaaniga uga sii gudbayay dalalka kale ee
Yurub, waxaana sanadkan kaliya gaaray muhaajiriin lagu qiyaasay 33,000.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]