Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa
maanta xarig-jaray waddada wasaaradaha ee magaalada Garoowe, oo lugu dhisay
isku-tashi, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixiyay Puntland, sida lugu xaqiijiyay
war-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland.
Waddada oo dheerarkeedu yahay
1.5 km , waxaa ku baxday lacag gaaraysa 200,000 oo doollar, iyadoona ay
dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga,shirkadaas oo ah shirkaddii dhistay
garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir.
"Aad iyo aad baan ugu
mahadnaqayaa wasaaradda maaliyadda iyo intii kale ee kala qeyb qaadatay
hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay
waddooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima
badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda ka muuqata
iyo sidda loo dhisay iyo farsamada, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo
aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay." ayuu yiri madaxweyne
Cabdiweli Gaas.
Gabagabadii,madaxweynaha Puntland
wuxuu sheegay waddadan in ay ku timid isku tashigii Puntland, wax badana lagu
qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo dambe lagu qaban
doono, isla'markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso in ay wax
qabsan karaan ayagoon cid kale wax ka sugin.
Iman Jama