Talaado, July, 03, 2018 (HOL) –
Wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Francisco Madeira oo la
kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi, waxaa
uu ka raaligaliyay tabashu uu qabay guddoomiyaha oo aheyd in ciidamada AMISOM
ku carqaladeeyeen garoonka Adan Cadde xili uu ku sii jeeday dalka dibediisa.
Kulanka waxaa joogay Labada ku-xigeen Aqalka sare
waxaana si gaar ah looga hadlay
dhacdadii ciidanka AMISOM bishii Jun ay ugu diideen inu u Garoonka ka dhoofo
Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo markii dambe muran dheer kaddib la fasaxay.
Amb Madeira ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay falkii lagu xayiray
Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuuna balan qaaday in mar dambe aanay arrintan soo
laaban doonin, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka
labada hay’adood.
“Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu ku saabsanaa
arrimaha amniga iyo nidaamka, si isku dhow ayaan wax isugu fahanay, waxana
rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynayaa in si dhow
an labadeena dhinac u wada Shaqeyno” ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulalahi
ayaa ugu danbeyntii sheegay in uu aad
ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo raali gelinta AMISOM,
wuxuuna aad u amaanay kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]