Isniin, July, 23, 2018 (HOL)-Ilaa Lix ruux oo
Kalluumeysato Soomaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen xeebaha
Puntland kaddib markii ay degtay Dooni ay wateen sida ay warbaahinta u sheegeen
mas’uuliyiinta deegaanka.
Guure Cali Cumar oo ah guddoomiyaha deegaanka Gumbux ee
gobolka Gardafuu oo ah halka ay dhimashadani ka dhacday ayaa sheegay in hal qof
oo ka mid ahaa Lixdaa ruux ee geeriyootay meydkiisa la helay kaddib markii ay
baddu soo caariday.
Waxaa uu sheegay in wali la la’yahay meydka ilaa shan ruux
oo kale iyo Doonidii ay saarnaayeen, kuwaa oo wali ku baqan badda gunteeda
hoose.
Mar wax laga weydiiyay sida lagu ogaaday Lixdan ruux ay
badda ku dhinten ayuu yiri’’ Dabcan waxaa lagu ogaaday in ay badda ku dhinteen
kaddib markii la waayay waqtiggii ay ka soo laaban jireen shaqada, taasoo
keentay in uu soo baxo tuhunkan ah in ay badda ku dhinteen.
Kalluumeysato aad u fara badan ayaa ku howlan ka kalluumeysiga xeebaha
Soomaaliya inkastoo xilligan oo kale oo lagu guda jiro waqtiga Bad xiranka,
taas oo Qatar ku keeneysa Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]