Dagaal xoogan u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo ka soconaya deegaanka Tukaraq
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) - Dagaalkan ayaa bilaabmay saakay aroortii hore kadib markii
ciidamada Somaliland ay Dhababoco ku jiidheen kastamka Puntland oo qiyaasta
48Km. bari kaga quman magaalada Laascaanood.
Sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan
Magaalada Tukaraq ciidamada Somaliland waxa ay dhinaca Bari u dhaafeen iyagoo
dagaalo teelteel ah ciidamo Puntland ah oo fadhiisimo ku lahaa degaankaas aysan
caabin xoogleh kala kulmin, waxana ay gaadheen sida uu Axmed Xaaji Cali sheegay
meel tukarq u jirta 24Km waxaanay ku dhowaadeen buuyidhi Kor-shuxuur buurta
layidhaahdo oo u dhow tuulada Falidhyaale,
"Dagaal aanan weligey arag
xoogiisa ayaa hada ka soconaya Tukaraq dhinaceeda bari, Bohol-waraabe oo
magaalada u muuqata ayaa dagaalku ka soconayaa, Waxaana odhan karaa
xoogag aan dhowaan kala faaruqayn ayaa iska horyimi" sidaa waxaa
yidhi Axmed Xaaji oo Tukaraq ku sugan, waxaanu intaas ku daray in
magaalada dadku ka baxayaan oo ka baqayaan isdhaafka rasaasta labada dhinac
inay waxyeelaan.
Dad badan oo degaankaas ku sugan
ayaa xaqiijiyey in khasaare gaadiid iyo mid nafeedba labada dhinacba ay ka
jiraan, waxaase aan la xaqiijin karin sida ay wax u soo kala gaadheen.
Ilaa hada ma jiraan hadal ka soo
baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, waxaase la sheegayaa in ciidanka
Somaliland ay ujeedadoodu tahay sidii ay uga hortegilahaayeen safar
madaxweynaha Soomaaliya la sheegay in ku imaan doono degaano ka mid ah gobolka
Sool.
Wixii ka soo kordhana wacaal dhawr
baan u nahay
Seynab Cabdi Warsame
seynab@hiiraan.com
Laascaanood G. Sool