Maxamed Saalax oo noqday Cayaaryahanka ugu fiican Africa
Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL)–Weeraryahanka u cayaara kooxda
Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan
Africa.
Abaalmarintan oo ay u tartamayeen dhowr ciyaartoy oo
afrikaan ah ayaa aaqirkii waxaa ku guulaystay Maxamed Saalax oo horyaalka
England ka dhaliyay 23 gool.
Waxaa sidoo kale tartanka kula jiray Sadio Mane oo ay ka
wada dheelaan kooxda Liverpool iyo rag kale oo caan ah.
Waxaa lambarka sadaxaad galay Pierre-Emerick oo kooxda
Borussia Dormund u ciyaara.
Maxamed Saalax ayaa xulka qaranka ee dalkiisa u
suurtogaliyay inay u soo gudbaan tartanka koobka aduunka ee dalka Ruushka ka
dhacaya sanadkan.
Maxamed Saalax ayaa kooxda Liverpool waxay kasoo iibsatay
kooxda Roma ee dalka Talyaaniga.
Dhinaca gabdhaha waxaa ciyaaryahanada ugu fiican loo
aqoonsaday Asisat Oshoala oo dalka Nigeria u dhalatay.
Gabadhan ayaa u ciyaarta kooxda Nigeria ka dhisan, waxay
dumarka kula dardaarantay inay dariiqeeda raacaan.
Waxaa sidoo kale dadweynaha fursad loo siiyay inay
codkooda ka dhiibtaan tartanka abaalmarinta ahaa.
Weeraryahanka dalka Masar u dhashay ayaa sanadkii hore
waxay BBC-da u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]