Dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Waxaa
soconaya dib u habeyn guud oo lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed, si ay u dardar geliyaan Dagaalka ka dhanka ah ee ururka
Al-shabaab.
Maxamed Cali Xaggaa Wasiiru Dowlaha Wasaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo
la hadlay VOA ayaa sheegay in saldhigga
Turkiga ee Muqdisho uu tababar uga soconayo Ciidamo ka tirsan Dowladda, kuwaasi
oo uu sheegay hadii tababarkooda u dhamaado la siin doono Hub iyo Agab Ciidan
oo casri ah.
Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka oo hada ku jirta xaalad in marwalba hadana
ay diyaar u tahay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto Ciidamada Dowladda
qeybahooda kala duwan, sidii baahiyahooda loo dabooli lahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed
(Farmaajo) ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya
Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga
dadaalka ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay
tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com