Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay abaabulka ka socda xadka Somaliland iyo Soomaaliya
Sabti,Janaayo 20,2018 (HOL)-
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda guud
ee Somaliland iyo abaabulka ka socda xadka udhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo
kale ka hadlay sicir bararka dalka ka jira oo uu sheegay in maalmaha soo socda
go’aamo ay ka soo saari doonto xukuumaddu.
“Ciidanka Somaliland iyo shacbiga
Somaliland cidna ka magansanmayso haday dhulkooda tagayaan kumanna xad gudbin xadka u dhexeysa Somaliland iyo
Soomaaliya, colaadna uma jeedno, maanta Soomaaliya iyo Somaliland colaad uma
taag hayaan, dadku horumar bay u baahan yihiin, waxaan caalamka u sheegaynaa in
aanan dhulkayaga joogno oo aanan dhaafeen, ciidankayagu wuxuu xadka u jiraan
toddobaatan Killomitir, dastuurka Somaliland wuxuu I farayaa inaan xadka sugo waana wixii la ii
dhaariyey, baarlamaanka iyo shacabka igu daba jooga, garan maayo Soomaaliya
abaabulka ka socda ee qabiliga salka ku haya ee ciidamada la soo dhoobay wax alla waxa dagaalkaasi loo abaabulayo
garan maayo, Haddii Soomaaliya leedahay Somaliland baan xoog ku muquuninayaa
anagu difaac baanu diyaar u nahay, waxaana noo ogol xeerka caalamiga iyo ta
afrika”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlaya abaabulka ka socda xuduudda Somaliland
iyo Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayey Soomaaliya
waxa uu yidhi “Soomaaliya waxa inoo dan ah inaynu wada hadalno oo wixii inaga
dhexeeyey kala guranno, waxaana wada hadalkaasi bilownay lix sanno ka hor
laakiin wakhti lumis ayaad ku lumiseen, waxaan idinka digayaa haddii aad
xadkayaga ka soo gudubtaan waxaan hubaa si aan horeba nin kasta oo nagu soo
duulo uga guulaysan jirnay inaanu idinka guulaysayno xadkayaga waan tagaynaa
hadii aad soo duushaan”.
Tan iyo intii madaxweyne Biixi
xilka la wareegay ayaan warbaahinta ka hadal,isla markaana laba jeer oo uu
safar Jabuuti iyo Itoobiya ku tagay aan cidnaba la hadal, haseyeeshee maanta
ayuu ka hadlay guud ahaan xaaladda jirta gaar ahaana abaabulka ka socda Tukaraq oo uu sheegay in ciidanka Somaliland aanay dhaafin xadkoodda oo wadanka
dhexdiisa uun u kala guuraan.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.