Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Qeyb ahaan shaqadii
Xukaamadda Maraykanka ayaa xalay saqdii dhexe joogsatay, kadib markii aqalka
Senate-ku uu ku guuldareystay inuu meelmariyo miisaaniyad cusub oo KMG ah oo
socon doonto ilaa 16-ka bisha danbe.
Wadaxaajoodyo socday daqiiqadiihii u danbeeyay ayaan miro
dhalin, waxaana xubnaha Dimoqraadiga ee aqalka ka tirsan ay hor-istaageen
miisaaniyadda KMG ah.
Waa markii afraad ee xukuumada Maraykanku ay howlaheedu istigaan muddo 25
sano ah, iyadoo tii ugu danbeysay ay dhacday 2013-kii.
Aqalka Cad ayaa shaqada joogsatay ee xukuumadda Maraykanka wuxuu ku
eedeeyey Dimoqraadiyiinta.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa sannad-guurada 1aad ee markii Donald
Trump xukunka madaxtinimada uu qabtay ee loo dhaariyay.
Laamaha xukuumadda ee sii shaqeyn doona waxaa ku jira kuwa amniga
dadweynaha iyo waliba ciidamada, kuwaasi oo lagu tilmaamo laamaha
"muhiimka" ah, laakiin inta badan laamaha kale xukuumadda Maraykanka
ayaa shaqadoodu xirnaan doontaa ilaa inta Congress-ku uu meelmariyo miisaaniyad
ay xukuumaddu ku shaqeynso.
Miisaaniyadda KMG ee xalay Aqalka Senate-ku uu ku guuleystay waxaa soo
gudbiyay aqalka hoose ee Wakiiladda.
VOA