4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2018
Khilaaf soo kala dhaxgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxtooyada Soomaaliya

 

Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin odayaal iyo waxgaradka soo jeeda beellaha ku abtirsada gobolka Banaadir, kaddib wareegtidii dhawaan ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ee lagu joojiyay iibinta iyo bixinta dhulka danta guud.

Odayaal ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya aysan aheyn sida loo dhigay laakiin la doonayo in cadaadis lagu saaro islamarkaana sumcada looga dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir,

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay xireen jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo baxay war ku saabsan dibadbax looga soo horjeedo khilaafka gobolka Banaadir iyo madaxtooyada oo la qabanqaabinayo.

Dhinaca kale, khilaafkan ayaa  salka ku haya cadaadis siyaasadeed oo guddoomiyaha uga imanaya xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo la sheegay in uu dib u dhigay shir uu ku baaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo looga hadli lahaa maqaamka gobolka Banaadir.

Shirka maqaamka gobolka Banaadir oo loo balansan yahay 28ka bishan ayaa loo arkaa mid daba socda nidaamka federaalka oo ay Soomaaliya qaadatay, iyadoo shirar badan oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dhinac fadhiyay madaxda dowlad gobolleedyada.

Duqa Muqdisho ayaa ku adkeystay qabashada shirkan waxaana ku taageeray odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Muqdisho oo sheegay in la joogo  waqtigii laga wada hadli lahaa maqaamka gobolka Banaadir.

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir yihiin rag saaxiibo ah sidaa daraadeed qasab tahay in ay wada shaqeeyaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo la xiriira wararka ku saabsan khilaafkan la sheegay in uu kala dhaxeeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]