Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Dowladda
Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn u xoojisay duqaymaha cirka ee
ay ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan wuqooyiga Suuriya.
Turkiga ayaa xusay in duulaan dhanka
dhulka ah ay ku qaadi doonaan magaaladda Afrin ee ay gacanta ku hayaan
Kurdiyiinta.
Kooxda Kurdiyiinta ee (YPG) ayaa waxay sheegeen in tan iyo xalay 70 duqayn
ay halkaasi ka dhacday.
Turkiga ayaa muddo bilooyiin ah waxa ay ku hanjabayeen in dagaalyahanada YPG
ay ka saari doonaan magaalada Afrin, oo ay haysteen tan iyo 2012.
Dowladda Turkiga ayaa u aqoonsan dagaalyahanada YPG in ay yihiin koox
argagixiso ah.
Wasiirka gaashaandhiga Turkiga Nurettin Canikli ayaa sheegay in duqaymahani
ay qayb yihiin qorsho duulaan dhulka ah oo ay Turkiga ku galayaan magaalada
Afrin.
Dowladda Suuriya ayaa ka digtay in ay Turkiga so faragaliyaan Suuriya, waxa
ayna ku hanjabeen in ay soo ridi doonaan diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.
Ruushka ayaa ah saaxibka ugu wayn ee madaxwayanha Suuriya Bashar al-Assad.
BBC