4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2018
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africaa ayaa sheegaya in kooox burcad ah xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dileen magaalada Johansenbeg ee dalkaasi.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Cali , waxaana la dilay isaga oo ku sugan xaruntiisa ganacsi.

Johansenbeg waxaa wali yaalla maydka Marxuum Liibaan Cali, waa muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo isna maalin ka hor ay dishay koox hubeysan.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Africa ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Waxaa jira walaac ay qabaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa, kaa oo ku saleysan dilalka joogtada ah ee lagu hayo.

Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxaa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso dowladda South Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]