4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Micheal Keating : Waa in la qanciyaan cid kasta oo tabasho ka qabta heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ka qeyb-galay Shir-weynihii Dhuusa-mareeb ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo mideyntii maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Waxaa uu bogaadiyay biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxweynihii hore ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, oo hada noqday madaxa xukuumada Galmudug.

Micheal Keating ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

“Arrintan waa mid bilow wanaagsan ah, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado, Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed” ayuu yiri Keating.

Sidoo kale Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay Qaramada Midoobay in ay soo dhaweyneyso heshiiskan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka Galmudug.

Xubnaha beesha Caalamka ee shalay ka qeyb galay Munaasabadii Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Keating, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]