Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’ada Xuquuqda
Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay sii
joogteeyeen inay awood ku askareeyaan Carruur ah oo si xoog ah ehaladoodi uga
wadanayaan bilihii la soo dhaafay.
Dhamaadkii bishii September 2017kii Al-shabab ayaa ku amray odayaasha dhaqanka
iyo macalimiinta iskuulo Diini ah oo ku yaala baadiyaha in ay soo wareejiyaan
boqolaal Carruur oo da’doodi aysan ka weyneyn 8 sano, bilihii la soo dhaafay waxaa
ay bilaabeen boqolal Carruur ah in qoysaskoodi ay lasoo baxsadan iyagoo ka
cararaya askareenta Al-shabab.
Letia Bader oo ah baare sare oo ka tirsan hay’ada HRW ee Africa waxaa ay
shaaca ka qaaday in si naxariis la aan ah ay u Askareenayaan Al-shabaab Carruurta
baadiyaha ku nool walidiintoodana waxaa lagu qasbay in ay u adeegaan koxodaasi.
Baaritaanka meelaha ay Human Rigths ay ku samaysay waxaa kamid ah 15 Qoys oo
ku nool 3 magaalo oo kala ah bardaale,Baydhabo iyo Buur-Hakaba.
Odayaasha tuuloyinka ayaa sheegay in bishii September lagu amray inay tagaan
degaanka Buulo-Folaay oo Al-shabab maamulaan ayna wareejayaan Tobaneeyo Carruur
ah oo da’doodi u dhaxeysay 9 ilaa 15sano jir,mid k amid ah dadka deegaanka Bardaale
ah ayaa sheegay in ay u baahan yihiin
wax ku taageera dagaalka waxaa uu yiri waxaa ay nagula hadleen erayo hanjabaad ah,
Saddex ka mid ah dadkii la Wareystay ayaa shaaca ka qaaday in odayaasha ay
Al-shabab u geeyen 50 Carruur ah oo ay ku jirto gabar yar kuwaasi oo laga waday laba
iskuul oo ku yaala Buur -Hakaba waxana la geeyay Buulo-Folaay oo goob jogayaal ay
sheegen in ay tahay meel ay ku yaaliin dugsiyo diini ah iyo xarumo Carruurta lagu
tababaro.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]