Khamiis, December, 06, 2018 (HOL) – Dowladda
Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxaa
ay isku diyarineysaa in ay shidaal
dhoofiso,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo
Saliidda Dabiiciga ee dalkaasi Itoobiya.
Itoobiya ayaa sheegtay soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga
helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano.
Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda
Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka
horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.
Waxaa ay sheegtay in ay qodayso boqolaal ceel shidaal iyo in la fuliyo
mashaariic waaweyn si loo helo fursad sahlaysa in dalka uu soo saaro
shidaal,waxaana shidaalkaasi laga heley deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,kadib
markii bishii June ee sanadkan ay wasaaraddu sheegtay in keyd shidaal laga
heley dhulka Soomaalida ee kuyaala Bariga Dalkasi Itoobiya.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya Dr Abay
Axmed ayaa laga soo xigtay isagoo shacabka ugu hambalyaynaya in dalkiisa uu soo
saarayo 450 fuusto shidaal maalinkasta,sida laga soo xigtay warbaahinta dalka
Itoobiya.
Goobaha ilaa iyo haatan laga heley shidaalka waxaa kamid deegaanada Rift
Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella, laakiise dhulka Soomaalida ayaa ah
halka haatan u diyaarsan soo saarista shidaalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]