4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2018
Camey oo ka soo horjeestay guddiga uu magacaabay madaxweynaha Puntland

Isniin, December, 03, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa goor dhow magacaabay guddi ka soo horjeeda guddigii uu maanta magacaabay madaxweynaha Puntland ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiilada Puntland.

Ka hor inta aan la baahin magacaabiista guddiga ka soo horjeeda guddigii uu madaxweynaha magacaabay, ayaa madaxweyne ku-xigeenka waxaa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha ee ku sugan magaalada Garoowe.

Warqad ay baahisay warbaahinta gudaha ayuu madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku magacaabay ilaa siddeed xubnood ,iyadoo warqada lagu muujiyay in madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas  wax tallogalyo ah ka siin guddiga uu maanta magacaabay madaxweyne ku-xigeenka.

Camey, ayaa ku eedeyay madaxweynaha Puntland inuu ku xadgudbay habraacii soo xulista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafadka, waxaa kalo uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka inan lagu kalsoonan karin guddiga uu maanta magacaabay madaxweynaha.

Waa markii ugu horreysay oo Puntland, madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa ay isku khilaafan magacaabiista guddigan, tan iyo 2004, waxaa kalo aan horay loo arag in madaxweyne ku-xigeenka uu la dhinac noqdo kulamana la qaato musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Khilaafka labada hoggaamiye ayaa dad badan ku abuuray walwal ku aaddan inuu saameyn ku yeesho doorashada madaxweynaha ee la qorsheeyay in la qabto siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka, oo muddo toddobaadyo ah ay naga xigto.

Hoos ka akhri warqada uu M/kuxigeenka ku magaacabay guddiga;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]