Madaxweyne Farmaajo "Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa dedejinta hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”
Isniin, December, 03, 2018
(HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka
ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda
dadka naafada ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay
masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii
ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran.
Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare
ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada
Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo
qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.
"Aqalka Sare waxaan ugu
baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada
Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u
baahan yihiin”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab
ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada
ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula
dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar
ahna loo garab istaago dadka naafada ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]