4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2018
Qatar oo ka baxeysa Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC

Isniin, December, 03, 2018 (HOL) -  Dalka Qatar ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxayo ururka dalalka dhoofiya Saliida ee loo yaqaano OPEC.

Wasiirka Tamarta  ee dalka Qatar Saad Sherida al-Kaabi, ayaa maanta shaaca ka qaadday qorshaha ka bixitaanka ururka OPEC oo la filayo in uu bilowdo bisha Janaayo ee sanadka soo socda .

Waxaa uu sheegay in Qatar ay dooneyso inay horumariso soo saarida Saliida, isla markaana ay kordhiso gaaskeeda dabiiciga ah oo sanadkii ay soo saari jirtay 77 Million oo tone, halka ay dooneyso in sanadaha soo socda gaarsiiso 110 Million tan.

Go’aanka looga baxayo ururka dhoofiya shidaalka ayaa yimid ka dib kolkii la tilmaamay in dalka Qatar uu dib u eegis ku sameynayo doorka caalamiga ah ee kaga aaddan kobcinta shidaalka iyo sidii loo sameyn lahaa Istaraatiijiyad fog oo soconeysa waqti dheer.

Qatar ayaa noqoneysa dalkii u horeeyay ee Khaliijka ka tirsan oo isaga baxa Xubinimada Ururka OPEC.Qatar ayaa sidoo kale ah dalka ugu weyn ee soo saara Saliida, isla markaana xubin ka ah ururka dalalka ku bahoobay dhoofiya Saliida ee OPEC.

Qatar ayaa xiisad diblomaasiyeed waxa ay kala dhaxeysaa dalka Sacuudiga oo ah kan ugu awoodda badan dalalka OPEC, hase yeeshee al-Kaabi ayaa sheegay in go’aanka Qatar ay kaga baxeyso ururka uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed.

Ururka OPEC ayaa la aas aasay sanadkii 1961, waxaa xubin ka ah illaa 15 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Ecuador,  Nigeria, Ciraaq, Kuwait, Algeria, Libiya, Venezuela, Gabon, Angola, Iiraan iyo Equatorial Guinea.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]