4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2018
Musharrax Cali Xaaji Warsame oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso

Isniin, December, 03, 2018 (HOL) - Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka ,Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta lagu soo dhaweeyey xarunta gobolka Bari ee Boosaaso,isagoo ka soo kicitimey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Boqollaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana shacabku safaf dhaadheer u galeen sidii Musharraxa xafiiska Madaxweynaha Puntland Cali Xaaji Warsame loogu soo dhaweyn lahaa Boosaaso. Dadka soo dhaweeyay waxaa ay isugu jireen Nabadoonno,dhallinyaro ,haween,Aqoon-yahanno,Arday iyo Cuqaal.

Musharrax Cali Xaajir, ayaa khudbad dhinacyo badan taabatay u jeediyay dadkii soo dhaweeyay,ugu horrayn waxa uu u mahadceliyay qaybaha bulshada ee magaalada Boosaaso.

" Waxaan aaminsannahay Puntland inaysan jirteen Boosaaso la'aanteed, Soomaaliyana aysan jirteen Puntland la'aanteed... Boosaaso way ka soo baxday wixii iyada lagu lahaa, waxay ahaan lahayd waqtigii lagu celin lahaa wixii ay mudneyd, waxaan aad iyo aad uga xumahay aad iyo aad uga xanuusanaya waxyaabaha magaaladan ka jira oo amni darrada ugu horreeyso". ayuu yiri musharrax Cali Xaajo oo inta raaciyay in la joogo waqtigii magaalada Boosaaso amnigeeda la xoojin lahaa, dhaqaalaheedana uu kobci lahaa oo miisaan keedda la siiyo, " Waxaan idin ka ballanqaadaya annigoo reer Boosaaso ah inan u hormariyo haddii illahay xilka igu guuleyo amniga magaalada Boosaaso, inan qof dambe oo birmageedo ah lagu dilin, inan ganacsatadeeda looga qaadan ".

Cali Xaaji, ayaa sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda Boosaaso ee Puntland oo dhan gaara inay iyadu hormuud ka noqon doonto, sidii horumarinteeda iyo nabadeeda loo ilaalin lahaa ayuu yiri.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dib loogu noqon doono heshiiska dekedda Boosaaso ee u dhaxeeya Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta,  isagoo arrinta ka hadlayay waxa uu yiri " Heshiisba lagalay,heshiiska waa heshiis wanagsan haddii asalkiisa la fiiriyo , Boosaaso ma tartami karto haddaan la qodin , haddaan la ballaarin , haddaan la xoojin, haddaan amnigeeda la ilaalin.. laakin ma ahayn heshiiska aan annagu tallo ku lahayn - Haddii aan xilka ku guuleysto waxaan idin ballanqaadaya in heshiiska aan ku noqono".

" Wixii umaddeena an-facaya ,wixii Boosaaso magaceeda kor u qaadaya, wixii Boosaaso ganacsigeeda xoojinaya waan ka qaadaneynaa.. Wixii Boosaaso dhaawac ku ah, Soomaali dhaawac ku ah waan ka reebeynaa... Taasi waxay u baahantahay inan heshiiska aanu ognahay oo Baarlamaankeennu uusan si sax ah ugu codeyn oo 22 milyan lagu qaatay oo 15 milyan oo ka mid ah meel ay aaday aanan lagu aqoon, heshiiska waa lagu noqonaya, waa ku noqosho". ayuu yiri isagoo inta raaciyay " Annagu xiriir ayaan la leenahay Imaaraadka Carabta, waan rabnaa in dekedda la ballaariyo, laakin heshiis mugdi lagu saxiixay Boosaaso ma geeyo ".

Gabagabadii, Nabadoonno iyo waxgaradka magaalada Boosaaso oo soo dhaweynta musharraxa ka qaybgalay ayaa  sheegay inay taageerri doonan, sidoo kale waxaa ay ammaanen sida uu musharraxa u doonayo horumarinta magaalada Boosaaso iyo dhammaan deegaannada Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]