4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2018
Musharixiin shaki ka muujiyay madax-bannaanida guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed

 

Isniin, December, 03, 2018 (HOL)-Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay shaki ka qabaan madax-bannaanid guddiga doorashada madax-weynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Musharixiinta kala ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, Aadan Saransoor iyo waliba Ibraahim Macalin Nuur ayaa qoraal ay wada jir  u soo saareen ku sheegay in shaki weyn ka qabaan dib u dhigista is daba joog ah ee waqtiga doorashada, gaar ahaan mudaddan danbe ee la cayimay ee ah 19ka bishan December  oo sida ay hadalka u dhigeen lagu beegay waqti inta badan dibpomaasiyiinta caalamiga ah ee qorshuhu ahaa in ay doorashada kor-joogteeyaan fasax -gali doonaan.

Sidoo kale musharixiintan ayaa sheegay in darreen ka qabaan ciidamada sida ay hadalka u dhigeen lagu soo daabulayo magaalada, taasoo qalqal galin karta xasiloonida iyo hannaanka nabadoon ee doorashadu ku socto, iyaga oo dalbaday in ciidamada deg deg loogu celiyo halkii markii horeba laga keenay.

Guddiga doorashada ayaa dhinacooda dib u dhigista doorashada ku micneeyay arrimo farsamo iyaga oo meesha ka saaray in ay tahay arrin siyaasadeysan oo meel kale looga soo meeriyay.

Musharixiinta ayaa ka dalbaday guud ahaanba beesha caalamka iyo Ururrada danbeeya arrimaha Soomaaliya in ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaq doorashada si looga fogaado wax is daba -marin islamarkaana u dhacdo doorasho daah furan oo ka badax-bannaan fara-galin siyaasadeed.  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]