4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2018
Kulamadii Baarlamaanka oo wali hakad ku jira iyo shirar hoose oo u socda Guddoonka iyo xildhibaanno ka tirsan G Shacabka

 

Isniin, December, 03, 2018 (HOL) -Waxaa wali cakiran howlihii Golaha Shacabka kaddib muran soo kala dhax-galay guddiga Maaliyada oo guddoonka Baarlamaanku sheegay in la kala diray.

Kulan uu yeesho Golaha Shacabka waxaa ugu danbeeyay 24kii bishii November, ee ina dhaaftay oo Dood adag Goluhu ka yeeshay Warbixintii ay soo saareen guddiga Maaliyada Baarlamaanka oo la xiriirta wax is daba-marin lagu eedeeyay hay'addaha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ay sheegeen guddigu in ay lusadeen lacago Malaayiin dollar ah oo aan la ogeyn sida loo isticmaalay.

Wixii waqtigaa ka danbeeyay waxaa cirka isku shareeray Doodda  ka dhalatay Warbixinta oo siyaabo kala duwan looga hadlay, ilaa markii danbe guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ku dhawaaqay in la kala diray guddigii Maaliyada Golaha Shacabka, laakiin waxaa markiiba arintaa ku gacan seyray guddiga oo sheegay in  guddoomiye ku-xigeenku awood u laheyn kala diristooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka dibedda uga maqan ayaa wareysi uu siiyay VOA isaga oo ku sugan dalka Turkiga sheegay in khilaafka arintan ka dhashay lagu dhax -xalin doono isla Golaha dhaxdiisa iyada oo la raacayo sida uu hadalka u dhigay xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Dib ayuu dalka ugu soo laabtay guddoomiye  Mursal waxaana uu sheegay in kulamo uu la qaadan doono dhinacyada ay arintan quseyso, kaddib-na wixii go'aan ah dib laga soo saari doono. 

Kulamo kala duwan ayaa ka soconaya Xarunta Golaha Shacabka  ,kuwaasoo u dhaxeeya Xildhibaanada qaar iyo waliba Gudoomiyaha Golaha  Shacabka oo ku aadan soo afjaridda Khilaafka inta uusan xoogeysan.

Sidoo kale waxaa jirta dacwad ka dhan ah guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ee Golaha Shacabka oo xildhibaannada ay u gudbiyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal oo dalka si deg deg ah ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana xildhibaanada labadda dhinac u kala jabay ay u muuqdeen kuwo mida Midka kale uu ka dhaadhicinaayo Mowqifkiisa ku aadan kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Lama oga waqtiga uu dib u furmayo kulamadii Golaha Shacabka oo maalmihii ugu danbeeyayba hakad ku jiray, sidoo kalana waxaa isha lagu wada hayaan go'aanka uu guddoonku ka qaadan doono khilaafka ka dhax jira labadiisa ku-xigeenka iyo guddiga Maaliyada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]