4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2018
Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dib loo bilaabayo

 

Isniin, December, 03, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Hay’adan Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalmahii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay aad uga xuntahay muddada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixisay, waxaana ay sheegtay in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan.

Waxaa ay sheegtay in ay aad uga xuntam tahay mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixiyay, waxaana ay sheegeen in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarumo ka furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]