4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2018
Soomaaliya oo guul 4-1 ah ka gaartay xulka kubadda cagta Jabuuti

Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Kooxda xiddigaha qaranka ee 20 jirada Soomaaliya ayaa bandhig caalami ah ku soo bandhigay dalka Jabuuti, kaddib labo guul oo xiriir ah oo ay gaareen.

Kulan xiiso lahaa oo xiddiga 20 jirada Soomaaliya ay la ciyaareen galinkii dambe ee Arbacadii shalay dhiggooda dalka Jabuuti ayaa guul weyn oo 4-1 ah waxaa gaaray xiddiga Soomaaliya.

Garoonka ay ciyaarta ka dhacday waxaa ku sugnaa wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ,guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),guddoomiye ku-xigeenka labaad ee ee xiriirka kubbadda cagta,Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed,guddoomiyaha Suleymaan Xasan Waaberi  iyo mas'uuliyeen kale.

Xulka kubadda cagta ee 20 jirada dalka Jabuuti ayaa la filaya in kulanka xiga ay kula ciyaaraan 20 jirada Soomaaliya caasimadda Muqdisho, sida u sheegay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Guusha weyn ee xulka 20 jirada kubadda cagta ay ka gaareen dhiggooda Jabuuti ayaa ka dhigan guushi labaad oo xiriir ah oo markii ugu horreeysay ay gaareen, kaddib markii kulankii hore 1-0 ay uga badiyeen xulka 20 jirada dalka Itoobiya.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]