Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa rasmi ahaan u dhaqangalinaya cunaqabateyn
cusub oo u saaray dalka Iraan, saacadaha hore oo Talaalada berri, sida laga soo
xigtay warbaahinta dalka.
Wax-yaabaha ugu horreeya ee
Mareykanku doonayo in cunaqabateyntu ka billaabato waa qeybaha warshadaha
Baabuurta iyo ganacsiga xagga dahabka iyo macdanta kale.
Mareykanka, waxaa kalo u shaaciyay in
wareegga labaad ee cunaqabateynta la billaabi doono 4-ta bisha Nofembar ee soo
socota.Bishii May, Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii niyukleerka ee Iran
kadibna cunaqabateynadii caalamiga ahaa dib ugu soo celiyay ,inkastoo
aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in maamulka Tehran ay ku
xadgudbeen heshiiskii ay la gashay lixda dal.
Go'aanka uu Mareykanka heshiika uga
baxay, waxaa horey u diiddey dalalka UK, Fransiiska, Shiinaha, Ruuska iyo
Jarmalka, kuwaas oo sidoo kale dhinac ka saxiixay heshiiska sanadkii 2015-kii.
Maamulka Trump ayaa Iran u arka in
ay awood u adeegsanayeso bariga dhexe si ay u maamusho, taaso oo dhibeysa
xulafada Mareykanka ee kala ah Sacuudi Carbiya iyo Israa'iil oo labaduba ah
cadowga koowaad ee Iran.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online