Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Ururka Al-shabaab ayaa Ciddii shalay
degmooyinka Saaakow iyo Jilib oo ka wada tirsan gobolka Jubbada dhexe
Soomaaliya ku soo bandhigay cutubyo ka tirsan xooggagooda oo ku labisan
dareyskii ugu danbeeyay ee ciidamada militer-ga Soomaaliya.
Tuutaha ay soo bandhiggeen
Al-shabaab ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa dareyskii ugu danbeeyay ee loo
qeybiyay guutada 14ka Oktoobar oo la sameeyey wixii ka dambeeyey qaraxii bishii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska
Zoobe.
Dhoola-tuska waxaa kaloo ku
jiray gaadiid leh astaamaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sida ka muuqatay
sawirro lagu baahiyay baraha bulshadu ku wada xiriiraan.
Gen Maxamed Nuur Galaal oo ah khabiir
dhinaca ciidamada ah kana tirsan saraakiishii hore ee militer-ga Soomaaliya oo
u waramay BBC-da ayaa sheegay in arintan ay ku iman karto labo sababood.
1- Iyadoo aan ciidamada dawladda Soomaaliya la siinin mushaar joogto ah,
ayna leeyihiin carruur iyo xaasas, sidaa darteedna ay duruufta nolosha ee ku
xeeran ku khasbayso inuu askarigu reerkiisa u helo nolol, oo uu suuqa geeyo
wixii uu hayo.
2- In Shabaab ay ka furtaan darees iyo hub ciidanka dawladda.
Al-shabaab ayaa marar badan oo hore weeraro
qorsheysan ku qaaday xarumo amaankooda siweyn loo ilaaliyo, inta badanna
kooxaha weerarkaas geysta ayaa la arkaa iyaga oo ku labisan dareyska ciidamada
dowladda xitaa qaarkood waxaa ay sitaan
kaaraar aqoonsiga ciidan-nimo kuwaa kuwaa oo la rumeysan yahay in dhamaan-tood
qeyb ka qaataan in Al-shabaab si sahlan u galaan xarumaha dowladda.
Gen Galaal ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaaab
marar badan oo hore agab militari oo dareysku ka mid yahay ka furteen xarumo
ciidan oo ay weerarreen taasoo xitaa qeyb ka ah in ay si fudud ku hellaan dareyska.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo oo maalintii shalay salaada Ciida kala qeyb-galay cutubyo ka tirsan
ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Al-shabaab iyo kooxaha kale ee ka
dagaalama gudaha dalka Soomaaliya shisheeya wadanka ku soo duulay.
Dhoola-tuskan oo u muuqday mid ku tala-gal ah
ayaa ugu yaraan fariin u diraya madaxda ugu sareysa dalka oo siweyn ula
tacaalaya wax ka qabashada Amniga, gaar ahaan in Al-shabaab u gudbaan hub-ka
iyo saanada militeri ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]