Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ergeyga Gaarka ah
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa
shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo
maanta ku began.
Mr. Madeira ayaa dhammaan muslimiinta ku booriyay
in ay isku naxariistaan, isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan nabadda,
walaaltinimada iyo daryeelka dadka danta yar ee ka mid ah bulshada.
''Waxaa aan dhammaan
Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambal-yaynayaa
munaasabadda Ciidul Adxaa, ''ayuu yiri Madeira
Ergeyga gaarka ah guddoomiyaha Midowga Africa ee
Soomaaliya ayaa wuxuu ku celiyay sida ay AMISOM ay uga go’an tahay ilaalinta
guulaha laga gaaray dalka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay u
dabaal degayaan maalinka koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay malaayiin
xujey ah ay istaageen Banka Carafa,si ay gutaan mid ka mid ah rukniyada ugu
muhiimsan xajka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]