Dowladda Soomaaliya oo 1,000 dhalinyaro Soomaaliyeed ah u balan-qaaday shaqo abuur
Isniin, August, 13, 2018 (HOL) - Ra’iisal
Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay
xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro
Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa
guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu
codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si
caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay
in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo.
“Sannadkii hore waxa aan shaqaalay-siinnay 1,000
dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay
cod-siyada ka qabo Kun kale oo dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybi si
caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre
ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna
samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu
dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada
Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in
mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.
“Xornimada aan haysanno waxaa keenay dhallinyaro
la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u
baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay
qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen.
Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale
aysan hurdada ka kicin”, ayuu yiri ra’iissl wasaare Khayre.
“Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala siman-yihiin
in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq
iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar ah” ayuu munaasabadda ka
sheegay Ra’iisul wasaaraha XFS.
Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay ra’iisul
Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo
amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood
waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada inteeda kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]