Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Warar ka imanaya Jubbaada hoose ayaa sheegaya in dagaal
culus oo u dhaxeeya labo beelood uu ka dhacay deegaan Galbeed ka xiga
magalada Kismaayo sida ay sheegeen wax-garadka deegaanka.
Tiro ka
badan Afar ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhiteen in kastoo wararka qaar tirada
dhimashada gaaar-siinayaan ku dhawaad 10 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen
sida uu sheegay Ugaas Xassan Sheekh Ibraahim oo ka mid ah wax-garadka
Jubbooyinka.
Dagaal ayaa
salka ku haya dhul daaq-simeed la
doonayo in loo badalo deegaan, taasoo mid ka mid ah labada beellood ee
dagaalamaya ka soo horjeesteen.
Horay waxaa
jirtay in labada beellood heshiis ku kala saxiixdeen, hasse ahaatee dagaaalkan
danbe ee maanta dhacay ayuu sheegay Ugaas Xassan in ay soo qaadeen beesha kale
oo sida uu hadalka u dhigay iyagu ka baxay heshiiska.
Goobta lagu
dagaalamayo oo ah dhul baadiye ah ayaa lagu waramayaa in markii danbe ay
gaareen ciidamada maamul gobolleedka Jubbaland oo kala dhax-galay labada
beellood.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]