Jimco, August, 10,
2018 (HOL) – Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday
muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.
Viktor iyo Amalija Knavs oo ah waalidka Melania
oo ah xaaska Trump ayaa asal ahaan u dhashay Slovenia, dhaarta muwaadinnimada
ayayna ku mareen New York Khamiistii, sida uu xaqiijiyay qareenkooda.
Wuxuu sheegay in lamaanahaasi ay Maraykanka ku
joogeen sharciga degenaanshaha ee green card-ka loo yaqaanno oo ay gacan ka
siisay Melania.
Trump ayaa horay u dhaliilay dadka Maraykanka ku
soo gala qoysnimada,Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hab dadka xirfadleyaasha ah
ka hormarinaya dadka qaraabada ah, wuxuuna weeraray shuruucda soo galootiga iyo
dadka soo galootiga ah laftirkooda.
Melania Trump ayaa dhalashada Maraykanka qaadatay 2006dii, ka dib markii ay
dalkaas ku gashay dal ku galka loo yaqaanno "dadka awoodaha qayru caadiga
ah leh" iyada oo 2001dii markaas ku shaqaynaysay dadka ii dhehyada
sameeya.
Sharciga socdaalka ee Maraykanku wuxuu dhigayaa in Melania waalidkeed ay
haystaan sharciga daganaanshaha ugu yaraan shan sano ka hor inta aysan jinsiyad
dalbanin.
Qareenkooda oo xalfadda jinsiyada kala qayb galay ayaa sheegay in ay
buuxiyeen shuruuddii shanta sano ahayd, balse wuu diiday in uu saxafiyiinta
siiyo faahfaahin intaas ka badan.
Xigasho BBC