Jimco, April, 27, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaare
ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed
Khadar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan
Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull.
Kulanka oo ahaa mid qaatay saacad iyo wax ka
badan ayaa labada masuul waxa ay uga wada hadleen Shirka Arrimaha
horumarinta Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels, Xiriirka labada dal, Arrimaha
amniga ee Qaranka iyo xoojinta cilaaqaadka Sweden iyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa yiri “Waxaan
kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha
Soomaaliya Andreas von Uexkull, Waxaanuna ka wada hadalnay Shirka Arrimaha
horumarinta Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels, Xiriirka labada dal, Arrimaha
amniga ee Qaranka iyo xoojinta cilaaqaadka Sweden iyo Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu balan qaaday in
Soomaaliya ay Sweden si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha
Bulshada iyo kuwa iyo Horumarinta.
Kulankan ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan wuxuuna qayb ka ahaa dadaalada
dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso dawlad wanaagga iyo horumarinta
dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]