Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha
maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa warbaahinta u sheegay in
tirada dadka ka barakacay fatahaada magaalada qiyaastii gaarayaan 9000 oo ruux
kuwaa oo maciinbiday deegaannada dulleedka Bari gaar ahaan Ceel Jaalle.
Guddoomiyaha aya ka deyriyay
xaalada nolaleed ee dadka ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen, kuwaa oo sida
uu hadalka u dhigay ku dandareysay deegaannadii ay u barakaceen.
‘’Waxaan u tagnay qoysas wax u
diyaarsan aysan jirin oo meel cidlo ah daadsan, ma heystaan guryo iyo Hoy ay
gallaan, ma heystaan musuqulo, ma heystaan wax ay ka gallaan roobka wali da’aya,
waxaa ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar degdeg ah ah’’ ayuu yiri
guddoomiyaha.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray
in ay hayaan xog ku saabsan biyo ka soo rogmaday roobabka ka da’aya Itoobiya ku
soo fool leeyihiin magaalada, waana tan keentay in 30% dadkii ku dhaqnaa
magaalada goor hore isaga sii baxaan iyaga oo ka cabsi qaba wax-yeelo ka soo gaartay
biyahan digniinta laga soo saaray.
Xaafaddaha ugu badan ee laga
barakacay ayaa waxaa ka mid ah Xaawo-Taako Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda
Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.
Biyaha hadda dadka barakiciyay
ayaa ah xereeda roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada kaddib markii
Wabiga oo buux dhaafay uu dib ugu soo rogay biyaha xaafaddaha magaalada.
Ma jiro ilaa iyo hadda kaalmo
muuqata oo la gaarsiiyay dadka ka barakacay fatahaada marka laga reebo Bacaha
laga gallo roobka oo ay gaarsiiyeen maamulka gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]