Talaado, April, 24, 2018 (HOL)-Gaadiidleyda Somaliland ayaa muddooyinkii u
dambeeyey ka cabanaya shiidaal xun oo gaadiidkii waxyeelo u soo gaystay.
Gaadiidkii yaryaraa ee Batroolka ayaa ugu daran
kuwo shiidaalku waxyeeloobay,isla markaaana illaa hadda wax laga qabtay oo
xukuumad ahaan wax kaga qabatay ma jirto, inkastoo wasiirka Ganacsiga
Somaliland sheegay inuu guddi baadha shiidaalkaasi xun sidii dalka ku soo
gallay saaray hadana illaa hadda ma jirto nadiijo ka soo baxday.
“Baabuurtii oo dhan way wadayaalaan, waxaana
lagu shubay shiidaal xun oo baabuurkiiba istaagayo, illaa hadana shiidaalkaas
xun kaalmihii way iibnayaan oo kolba baabuur kale uun baa sii xumanaya”ayuu
yidhi Maxamed Jaamac oo ka mid ah gaadiidleyda shiidaalka xun ka xumeeyey
baabuurkoodda.
Shiidaalkan xun ayaa lagu shubay haamaha kaydka
ee Berbera, waxaana eedda arrintan isku tuurtuuraya shirkadaha shiidaalka
keenna oo mid waliba ku doodayso in aanay shiidaalka xun shaqo ku lahayn,
haseyeeshee dhamaan shirkadaha shiidaalka keena haamaha shiidaalka uun baa lagu
wada shubaa.
Shirkadaha shiidaalka keenay ayaa diiday in ay
khasaare badan la kulmaan sidaas darteed waxay diidan yihiin in la qubo oo
shiidaalka ku jira haamaha kaydka dhamaantood laga wada shubo si shiidaal
nadiif ah lagu shubo.
Shirkadaha keena shiidaalka ayaa qaarkood
shiidaal u doontay Jabuuti kaasi oo ka qaalisan shiidaalkii awal ka iman jirey
dibadda ee Berbera ka soo dega.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.