4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Nin Qarax ku dilay 31 ruux magaalada Kabul ee dalka Afghanstan

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Nin bam isku xoo xiray ayaa Axadi maanta 31 ruux ku dilay, xarun ku taalla magaalada Kabul oo dad badan loogu qeybinayay kaararka aqoonsiga codbixinta Afghanstan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanstan, Najeeb Danish ayaa VOA u sheegay in qofka bamka watay uu dhexda ka galay dad saf ugu jiray qaadashada kaararka aqoonsiga bannaanka iskuul ku yaalla caasimadda Kabul.

Xarumaha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa iyo 54 ruux ku dhaawacmeen weerarka. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira 10 ruux oo xaaladdoodu ay halis tahay.

Madaxa Fulinta Dowlada Afghantan Abdullah Abdullah ayaa cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay todobaadki hore diiwaan gelinta dadka raba in ay codadkooda ka dhiibtaan doorashooyinka Baarlamaaniga iyo Golayaasha Deegaanka Afganstan oo lagu wado in ay dhacaan 20-ka bisha October ee sannadkaan.

VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]