Baaritanno wali lagu hayo hubka Kiimikada ah ee Suuriya la sheegay in ay isticmaashay
Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Laba toddobaad kadib markii
ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka
kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka
kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma.
Hey’adda OPCW waxaa ay sheegtay in khubaradooda
ay soo uruuriyeen walxa ay ku baari doonaan sheybaaradooda.
Madaxda hey’addaasi ayaa waxaa kale oo ay shegeen
in laga yaabo inay dib ugu laabtaan goobaha la sheegay in loo adeegsaday hubka Kiimikada.
Khubaradan ayaa dhowr jeer oo hore laga baajiyay
inay tagaan halka uu weerarka ka dhacay sababa la xiriira amnigooda.
Saraakiisha reer galbeedka ayaa iyaguna ka cabsi
qaba in caddaymaha muujinaya hubka kiimikaad ee la tuhunsanyahay in halkaa lagu
garaacay la baabiiyey kahor inta aanay baarayaasha gaarin halkaasi.
Dowladda Suuriya iyo Ruushka oo taageero ayaa
horay u beeniyay inay qaadeen weerar kiimika ah, taasi oo sababtay in
Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ay duqeeyaan goobo la sheegay in lagu
keydiyo hubka kiimikada ee gudaha wadanka Suuriya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]