Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad Sawirro
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan
abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha
Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku
tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo xarun u ah ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM ee
Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM
ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka
midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka
Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog
waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku
aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.
Wakiilka Midowga Africa ee
Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay
ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in la soo afjaro
kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda
Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.
Kulanka marka uu soo idlaaday
madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad,
wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda
iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay
Wasaradda Gaashaandhigga oo u saaka dib uga bilaabay shaqo maalmeedkiisii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]