Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Ciidamo ka tirsan dowladda Sooamaaliya ayaa lagu waramayaa subaxnimadii
Arbacada ee todobaadka weerar ku qaadeen guriga iyo beerta madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan uu ku leeyahay degmada Janaale ee gobolka
Shabeellaha Hoose.
Warkan waxaa warbaahinta u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde
oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle
Cismaan (Aadan Cadde), "
Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada madaxweynihii hore ee
waqtiga uu weerarku dhacayay guriga ku sugnaa ayaa sheegay in ciidamada soo
weeraray horey u kaxeysteen dhalinyaro guriga joogtay oo ka mid ah hellada
Aadan Cadde.
"Ciidamadan waxaa ay wateen labo diyaaradood oo kuwa
qumaatiga u kaca ah, beerta Aadan cadde meel u dhow ayeey ku soo degeen, laakin
markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku
dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle" sidaa
waxaa laanta afka Soomaaliga ee BBC u sheegay Dr Saciid Aadan Cadde.
Askarta ayaa lagu wargaliyay ka hor inta aysan guriga
jabin in ay gurigan uu leeyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya laaakiin aysan
dhag jalaq u siin, iyaga oo xoog ku galay kana qaatay allaabo guriga yaalay.
Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan
soo saarin weerarka guriga
madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]