Gudoomiye ku xigenka Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyay Ohio
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) – Jaaliyadda Soomaaliyeed
magaladda Columbus Ohio ayaa soo dhaweyn u sameeyay Gudoomiye ku xigeenka
jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof: Adan Gulled Shabel oo dhawaan soo gaaray
magalaada columbus.
Soo dhaweynta Gudoomiye kuu xigeenka waxaa ka soo
qeybgalay dad Miisaan culus ku leh jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio.
Waxaa ka hadlay soo dhaweyntan Wasiirkii hore ee
waxbarashada Somaliya dowladii Tayo Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, duqii hore ee
magalada muqdisho Abdilahi Hashi, Profaysaro wax ka dhiga jaamacadaha,
Kuliyadaha Ohio iyo qeybaha bulshada.
Inta baddan dadkii ka hadlay ayaa iftiimiyay ahmiyadda
Jaamacadda Ummaddu u leedhay shacabka Soomaaliyeed.
Pro: Adan Guled Shabel waxa uu si qoto dheer u sharaxay
marxaladihii ay soo martay jaamacada, Halka ay hada marayso iyo halka ay
Hiigsanayaan.
Rajo quruxbaddan oo dhiirogalin muudan ayuu ka muujiyay
jaamacada oo iminka sharafteedii dib ula soo laabatay isla markaana ay ka soo
baxayaan dhalinyaro dalku u bahanyahay.
Qeybaha Jaamacada ee wali aan soo galin gacantooda ama
dib u dhiska aan lagu samayn iyo faracyada goboladda ayuu ku tilmaamay in loo
bahanyahay in la iska kaashado dhismahooda iyo taaba galintooda.
Dowladihii dalka isaga danbeeyay ayuu xusay in ay kaalin
fiican ka qaateen howlihii la soo qabtay balse wali aysan si dhamaystiran u
qabsoomin balan qaadyo laga sugayay.
Dhamaan dadkii ka hadlay xaflada waxay soo dhaweeyeen
warbixintiisa iyaga oo balan qaaday in kaalintooda ka qaadan doonaan howshan.
Deeqo
Shire (SONNA)
Columbus
Ohio