4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
RW Ku-xigeenka Soomaaliya : Waa la joogaa waqtiggii uu Farmaajo ka deggi lahaa Hargeysa

Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si loo dardargaliyo wada hadallada iyo isku soo dhawaashiyaha Somaliland, la joogo waqtiggii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka deggi lahaa magaalada Hargeysa.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isaga oo sida calanka Soomaaliya,

“Waala gaaray waqtigii madaxweynaha uu ka degi lahaa Hargeysa dibna u bilaabmi lahaayeen wada hadalada, sidoo kale waala gaaray xilligii madaxweyne Muuse Biixi uu ka soo degi lahaa Muqdisho, hadii cid walba ay joogto booskeeda wax soconaya malahan”. ayuu yiri RW kuxigeenka dalka oo la hadlay BBC-da.

 

Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wadahadalka u samaysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaadho, balse arrintaas ay hakad galiyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland asagoo sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay isku afgarteen in arrinta wadahadalka dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka madaxtinimo oo la sugo hadba madaxweynihii la doorto.

Laakiin dhinaca kale marka la eego wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aan wali halkaas la isla gaarin.

Wuxuu sheegay in wada hadallada labada dhinac is taageen kaddib markii dowladda Soomaaliya ay faragalin ku sameysan sida uu hadalka u dhigay wasiir Sacad heshiiskii dekedda Berbera.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in wada hadallada labada dhinac ku wajaheyso qaab ka duwan sidii hore iyada oo la qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya tago magaalada Hargeysa.

Somaaliland ayaa laga soo bilaabo tan 1991 waxaa ay ku taagneyd dariiqa in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, laakiin tan wixii xiligaa ka danbeeyay marnaba ma aysan helin wax ictiraaf ah ama aqoonsi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]