4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Suuqa kalluunka ee degmada Cabdicasiis oo dib u furmay


Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku qanciyay Iskaashtada Kalluunka ee suuqa degmada Cabdicasiis inay dib howlahooda shaqo u billaabaan,kaddib labo maalin oo uu suuqa xirnaa.

Kalluumaysatada oo ka cabanaya amar ay siiyeen ciidan ka tirsan dowladda oo ku wargaliyay inay suuqa isaga guuraan ayaa maanta isku soo baxyo ka dhigay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho,iyagoo xirey waddooyin muhiim ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo weheliyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa booqday xarunta Iskaashtada Kalluunka ee degmada Cabdicasiis si xal looga gaaro tabashada Iskaashtada Kalluunka .

Eng. Yarisow ayaa dhageystay cabashada Iskaashtada,isagoo amar ku bixiyey in shaqadii uu kawaanku qaban jiray dib loo billaabo, maamulka Banaadir iyo hay’adaha ammaankuna diyaar u yihiin sidii wadajir looga shaqayn lahaa xallinta tabashadooda.

Guddoomiyaha guddiga Iskaashatada Kalluunka ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir dib-u-furidda kawaanka oo maalmihii la soo dhaafay aan shaqeynayn.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]