4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Dibad baxayaal xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho


Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Bannaanbax rabshado wata ayaa ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaana agagaarka taaladda Daljirka Dahsoon,iyadoo dadweyne careysan ay xireen isgoyska Jubba illaa taaladda Daljirka Dahsoon.

Isku soo baxa waxaa dhigaya ganacsatada suuqa kalluunka ee degmada Cabdulcasiis oo ka cabanaya in amar lugu siiyay suuqa inay isaga guuraan,waxaana maalintii labaad xiran suuqa.

"Askar ka socota dowladda ayaa noogu timid suuqa waxayna amar nugu siiyeen suuqa inan ka guurno, markan sababta waydiinayna waxay sheegeen in laga iibiyay haweeney dooneysa inay hoteel ka dhisto." ayuu yiri Cismaan Yarow oo ka mid ah ganacsatada suuqa kalluunka degmada Cabdicasiis.

Yarow wuxuu sheegay in bannaanbaxa ay uga jawaabayaan amarka oo u ku tilmaamay mid aan "suragal ahayn", isagoo inta ku daray " Muddo 12 sanno ah ayaan suuqan ku ganacsanaya in hadda la dhaho ka guura waa wax aad u adag".

Dibad baxayaasha ayaa dowladda ka dalbanayay in dib looga laabto go'aanka suuqa lugu iibanayo oo boqollaal ruux ay ku ganacsatadaan.

Maamulka degmada Cabdulcasiis iyo kan gobolka oo Hiiraan Online ay la xiriirtay ma suuragalin inay ka jawaaban cabashada ganacsatada suuqa kalluunka ee maalintii labaad bannaanbaxa dhigaya.

"Cabashadeenna illaa hadda cid ka jawaabtay ma leh... illaa ay dowladda ka laabaneyso go'aanka suuqa lugu iibinayo waan bannaanbaxeyna." ayuu yiri Cali Saciim Yuusuf oo ganacsatada suuqa ka mid ah.

Suuqa kalluunka oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdulcasiis ayaa ka mid ah goobaha ugu caansan caasimadda Muqdisho, isla suuqa waa mid ka mid ah goobaha ugu ballaaran ee dalka oo dhan lugu iibiyo noocyada kala duwan ee kalluunka.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]