4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Shir guddiyada nabad-galyada deegaannada Koonfur Galbeed Baydhabo uga furmay


Sabti, September,29,2018, (HOL)– Waxaa magaalada Baydhabo ka furmey shir socon doono labo maalmood kaas oo looga hadlaayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeyn dhex marta guddiyada nabada, taliyaasha booliska iyo maamulada degmooinka Baydhabo, Ceel Barde , Berdaale, Waajid iyo Xudur.

Shirka oo ay fududeenayaan hay’addaha Somali Youth Development Network (SOYDEN) iyo Conflict Dynamics International (CDI) waxa ay tahay ujeedadiisa sidii wax looga qaban lahaa xasilinta degmooyinka  Koonfur Galbeed taas oo loo marayo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha nabada iyo kuwa amniga..

‘’Amniga lagama shaqeyn karo haddii aan laga shaqeyn nabada waana labo howlood oo isku xiran maxaa yeeley nabada ay dadku ku heshiiyaan ayuu amniga ilaaliyaa ee amniga ma keeno is ogolaansho iyo nabad dhex marta bulshada meel kuwada nool sidaasna waxaa yiri gudoomiyaha hay’ada SOYDEN Mudane Cismaan Muxyadiin Macallim. wuxuu intaas ku darey “Degaanka Koonfur Galbeed waa degaan ay saameyn balaaran ku yeesheen dagaaladii sokeeye dhib badana ka dhaxleyn siaas darted waa muhiim in dadaal badan la geliyo xoojinta nabadeynta.

Iyadoo taas laga duulayo ayey ha’yada SOYDEN waxa ay ka caawisey degmooyinka Baydhabo, Xudur, Ceel berde, Berdaale iyo Waajid dhismaha gudiga nabada ee heer degmo (District Peace Committee) kuwaas oo shaqadooda tahay ka degista iyo ka jawaabista khilaafyada bulshada ka dhex dhasho sidoo kale waxa y fududeeyaan howlaha dib u heshisiinta iyagoo diwaan gelin ku sameeya waxyaabaha ay ku hishiiyeen dhinacyada khilaafka dhex mareen.

Gudiyada nabada ee heer degmo wa xaa ay ka kooban yihiin wakiilo ka socda odoyaasha, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo culumo udiinka waana xubno la soo doortey kuna shaqeeyaan si iska wax u qabso ah.

Shirka waxaa si rasmi ah u furey wasiirka arimaha gudaha ee Koonfur Galbeed iyadoo ay ka soo qayb galeen gudoomiyaha Gobalka Bay, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dib U heshisiinta Koonfur Galbeed, la tiliyaha arimaha xasilinta wasaarada, gudoomiyaasha degmooyinka Bay, Berdaale, taliyaasha booliska degmooyinka Xudur, Berdale, Ceel Berde, Waajid iyo Baydhabo.

Wasiirka wuxuu si aad ah uga hadley muhiimada ay gudiyada nabada u leeyihiin degaanada taas oo uu yiri waxey gacan weyn siiyaan hay’adaha amniga iyagoo inta badan qilaafadka ka hortagaan isla markaasna xaliyaan inta uusan qilaafka gaarin meel fog.

Wasiirka wuxuu balan qaadey in ay sii xoojin doonaan gacan siinta gudiyada nabada isagoo isla markaas codsadey in hay’adaha SOYDEN iyo CDI ay kor u qaadan Howlaha Bulshada u hayaan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]