Guriga madaxweyne Biixi uu ku jiro oo lagu daray guryaha dawladda ee la diwaangalinayo
Sabti, September,29,2018, (HOL)– Wasiirka Hawlaha
guud iyo Dhullka Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka hadlayey
guryaha iyo dhulka danta guud ee la diiwangalinayo ayaa sheegay in guriga
madaxweynaha Somaliland Muuse BIixi Cabdi lagu daray guryaha loo diiwaangalinayo
hantidda qaranka.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan dib dambe dhul
iyo guri dawladu leedahay cid gaar ah la siin doonin, isagoo xusay in dad badan
ku doodayaan guryaha dawladda ee ay ku jiraan inay ka dhaxleen dawladdii Siyaad
Bare ama ingiriiska, waxaanu tilmaamay in aan cidna laga yeeleen in hanti
dawladeed qof iska qaato.
“ Guri aanu siidaynayno walaahi bayna
jirin, guriga madaxweynaha Somaliland ku jiro waanu diwaangalinay (guryaha
dawladda lagu daray), sidaas baana cidna u dhaafeen, waxaanu dhaafayna qofkii
la soo baxa waraaq degreeto ah oo madaxweyne ku siiyey.”ayuu yidhi wasiir Qambi
oo maanta hor tagay guddida joogtadda ee golaha guurtida oo uu uga xog
waramayey shaqadda wasaaradda.
Inta badan guryaha dawlada waxa ku jira
siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda, waxaana jira
guryo la kala iibsaday oo dawladu lahayd, waxaana arrintaasi diiwaangalinta
guryaha dawladda ka soo horjeestay siyaasiyiin badan oo iyagu isku qoray
guryo dawladeed oo ay ku jiraan.
Sidoo kale, waxa dood badan dhalisay guryaha la
diiwaangainayo ma lagu dari doonaa guriga madaxweyne Muuse BIixi uu ku jiro oo
ah guri dawladeed, haseyeeshee maanta ayuu cadeeyey wasiirka hawlaha guud
in guriga madaxweynaha lagu daray guryaha la diwaangalinayo ee dawladda.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland