4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq


Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta guda-gashay dhagaysiga dacwad la xiriirta musuqmaasuq oo ay ku eedeysanyihiin , Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo  Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gargaarka oo  maqane ahaa.

Dhagaysiga dawacdaan waxaa goobjoog u ahaa xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir , ku xigeenadiisa iyo Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed  oo maxkamadda furay ayaa  akhriyay eedda loo haysto eedaysanayaasha oo uu goob joog ahaa Daahir Maxamed Nuur, waxaana doodda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay dacawadda loo haysto eedeysanayaasha, iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur  ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay, kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa mar kale ballamiyay dhagaysiga dacwada maalinta Khamiista ee toddobadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]