4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
New York: Kulan gaar ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Kulan doceed khamiistii shalay ka dhacay magaalada  New York oo uu ka socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kullankan oo ujeedadiisu aheyd in Soomaaliya laga taageerro amniga, siyaasadda iyo dib u habaynta dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Afrika ee Britain Harriett Baldwin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Madaxtooyada ee Itoobiya Hirut Zemene iyo Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Talyaaniga, Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay , Antonio Guterres, iyo mas'uuliyiin ka socday Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Afrika ee Britain,Harriett Baldwin ayaa ugu horreyn boggaadisay geesinimada iyo shaqada wanagsan ee ciidanka howlgalka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay kula dagaallamayaan al-Shabaab, si loo soo celiyo xasiloonida dalka,iyadoo ku cel celisay muhiimada ay leedahay in si guul ah lugu gaaro xilliga kala guurka si mustaqbalka ay ciidanka Soomaaliya ula wareegaan amniga.

"Horumarka amniga laga gaaray waa mid wiiqmaya haddii ciidanka AMISOM ka baxaan Soomaaliya aan la helin dhaqaalo joogta ah ." Harriett Baldwin  ayaa sida ka sheegtay kulanka,waxaa ay inta ku dartay in Soomaaliya ay xilligan heysato fursad wanagsan.

Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa Nairobi ka sheegtay 30kii  bishii August in dalkeeda uu 7 milyan oo dheerad ah ay ku taageerrayaan howlgalka AMISOM, isla waqtiga waxaa ay bulshada caalamka ugu baaqday inay ku soo biiran dadaalka Britain si loo hubiyo dhaqaalo wax ku ool ah,looguna guuleysto in ciidanka Soomaaliya ay la wareegaan amniga dalkooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa isna ka hadlay sida ay dowladiisa uga go'antahay dhaqangalinta arrimaha muhiimka u ah siyaasadda,dib u habaynta lugu sameynayo dhaqaalaha iyo amniga dalka, xilli Soomaaliya ay ka soo gudubtay sannado badan oo aad u dhib-badnaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]