4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada oo ka tirsan Al-Shabaab

 

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada ah oo Al-Shabaab ka tirsan.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si taxadar leh loo sii qorsheeyay, isla markaana uu qaatay muddo saacado ah, habeenimadii 27 September.

Hey’adda NISA ayaa howlgalada gaarka ee qarsoodiga ah waxay muddooyinkii u dambeeyay ku shaacinaysay barta Twitter-ka, iyadoo aan faah faahin kale oo dheeraad ah laga bixin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]