Jaamacadda GOLIS oo arday dhamaysatay loo soo xiray, xaalada nabada Gobolkana lagaga hadlay
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)– Munaasabad loo sameeyey arday gaadhaysa 130 dhamaysatay
Jaamacada GOLIS ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen
mas’uuliyiin xukuumada Somaliland ka socda, bahda waxbarashada, waxgarad iyo
dadweyneba ayaa xooga lagu saaray xaalada amaanka gobolka iyo horumarinta
gobolka.
Gudoomiyaha Jaamacada GOLIS
faraceeda Laascaanood Prof. Yuusuf Aflahaar oo halkaasi ka
hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday heerarkii ay soo martay iyo waxqabadka ay
ka geysteen gobolka mudadii ay furayd, waxaana intaas ku daray in arday
dhamaysatay heerka labaad ay bilaha soo socda iyana diyaar yihiin.
"Waxaa muhiim ah in aqoontu wax
idinka bedesho oo ayaan ku milmin colaada sokeeye, waana idinka kuwa laga rabo
in ay wax ka qabtaan dhibaatada jirta" sidaa waxaa yidhi Wasiirka arimaha
Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.
Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku
daray in wixii awoodiisa iyo xukuumad ahaan aysan waxba kala hadhay, 5 qof oo
uu isagu bixin doono kharashkoodana waa balan qaaday.
Sidoo kale Wasiirka Biyaha Saleebaan
Cali Koore ayaa hanbalyo uu u diray ardayda ka sokow waxa uu sheegay inuu la
socdey oo hawsheeda wax kaga jirey illaa furitaankii, waxaana qiray in guul
laga gaadhey.
Waxyaabaha soo jiitey dad waxaa ka
mid ahaa Hooyo umul ah oo sidatey ilmeheedii oo bilo jira iyo laba
isdhalay oo maanta iyana nasiib u yeeshay in ay mar wada qalinjebiyaan, waxaana
labada qoloba balan qaad u sameeyey Wasiirka arimaha gudaha.
Waxgarad, odayaal, arday iyo qaybaha
kaladuwan ee Bulshada oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey
dufcadii u horeysey ee Jaamacada GOLIS dhamaysatay waxbarashada heerkeeda
koowaad, waxaanay intooda badan xuseen qabyaalada sidii loogu bedeli
lahaa qalin.
Sikasta ha ahaatee munaasibadan oo
ku soo beegantay xili xiisad colaadeed oo xalkeeda lagu mashquulsan yahay sidii
laysaga kaashan lahaa iyadoo ardayda jaamacadaha dhogtaana ay taas qaybtooda ka
qaadanayeen.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected].
laascaanood G. Sool