4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucaysa in gaadiidka laga ka xeeyo dhinaca midig

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saartay xeer heer wasiir ah oo wax ka badalaya shuruucda gaadiidka, kaas oo ka kooban 24 qodob ayaa waxaa ku dhaqmi doona gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.

"Xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha ay tahay in ay xeerkan dhaqan geliyaanna waa war gelinnay waana la socodsiinnay, waxaana rajeyneynaa in marka lagu dhaqmo xeerkaas uu magaalada Muqdisho is beddel badan ka yimaaddo." ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya,Cali Gacal Gaaboow.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira magaalada Muqdisho ay sababtay xeerka wadda marista oo qaldan, wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin gaadiid leh shukaan midig, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga Imtixaanaadka tababarna la siin doono.

Gabagabadii, wuxuu sheegay in la soo celin doono dhammaan shuruucdii gaadiidka iyo waddooyinka, isla markaana la hubin doono caafimaadka wadaha, da’da iyo bad qabka gaadiidka si ay u yaraadaan shilalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]