4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho oo xiran

 

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay iyadoo ay gabi ahaanba xiran yihiin qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidamada dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Lama ogol in ay isticmaalaan jidadka gaadidka rayid, hasse ahaatee kaliya waxaa ogol yahay in ay isticmaalaan gaadiidka ay wataan ciidamada qalabka sida.

Lama oga sababta loo xiray jidadka magaalada Muqdisho oo ah kuwo ugu muhiimsan marka la eego isku socodka dadweynaha iyo gadiidka.

Xirnaashihaha jidadka ayaa xayiraad muuqata ku keentay dad badan saakay doonayay in ay tagaan goobahooda shaqo, kuwaa oo qaarkood la arkayo iyaga oo lugeynaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]